Doorasho la isu tanaasulay oo maanta markale ka dhacday magaalada Muqdisho

Doorasho la isu tanaasulay oo maanta markale ka dhacday magaalada Muqdisho

daajis.com:- Doorasho aan lagu tartamin oo ay musharaxiintu isu tanaasuleen ayaa maanta markale ka dhacday magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Illaa shan xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta hoolka dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu doortay.

Musharaxiinta loo tanaasulay oo ku soo baxay doorashadan ayaa kala ah;

Hop#205 Axmed Cabdi Kooshin ayaa loo doortay.

HOP#263 Muuse Saciid Jaamac oo kursigaan horay ugu fadhiyay ayaa markale loo doortay.

HOP#240 Cali maxamuud Aadan ayaa ku guuleystey kursigan.

Hop#271 Cali Cabdi ibraahim ayaa ku guuleystey kursigan.

Hop#241 Cabdiqani Ismaacil Saciid ayaa ku guuleystey kursigan.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa isugu jira kuwo hore ugu fadhiyay kuraasta iyo kuwo ku cusub golaha shacabka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada