Doorasho:- Puntland oo soo gaba-gabeynaysa doorashada kuraasta taalla Garoowe

Doorasho:- Puntland oo soo gaba-gabeynaysa doorashada kuraasta taalla Garoowe

daajis.com:- Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer Puntland ayaa lagu wadaa inay soo saaraan saacadaha soo socda jadwalka doorashada lix kursi, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo doorashadoodu ka dhacayso caasimadda Puntland ee Garoowe.

Kuraasta jadwalkooda la shaacin oo doorashadoodu dhacayso dabayaaqada todobaadkan ayaa waxaa kamid ah HOP#199, iyo HOP#198, oo deegaan doorashadoodu tahay gobalka Mudug (Beesha Cumar Maxamuud), kuwaas oo la rajeynayo inuu tartan adag uu ka dhacay.

Caasimadda Puntland ayaa loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada 21 kursi, waxaana horey loo qabtay 15 kursi, kuwaas oo saddex kamid ah ay kusoo baxeen Wasiiro kamid ah Xukuumadda Madaxweyne Deni (Wasiirka Qorsheynta, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada).

Puntland ayaa ku leh Golaha Shacabka BJFS 37 kursi, oo waxaana 16 kale ee haray ay doorashadoodu ka dhacaysaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada