Dowladda Imaaraatka oo aqbashay raali-gelintii uu siiyey R/W Rooble

Dowladda Imaaraatka oo aqbashay raali-gelintii uu siiyey R/W Rooble

daajis.com:- Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweysay raali-gelinta uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacag Imaaraadka Carabta uu lahaa oo ciidamada amniga Soomaaliya ay ku qabteen garoonka Aadan Cadde, bishii April ee 2018.

Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayey in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraatka Carabta ka raali galiyay qabashada lacagtaas, wuxuuna ballan-qaaday in dib loogu celin doono.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraatka Carabta ayaa qoraal ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM ku sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaanimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ayada oo siineysa taageerada lagama maarmaanka ah si loogu guuleysto nabadda, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid Ala Nahyaan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.


Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Saayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada