Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay dalabkii Rooble + Sawirro

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay dalabkii Rooble + Sawirro

daajis.com:- Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabkii uu u gudbiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib booqasho uu dhowaan ku tegay magaalada Abu Dhabi, isaga oona ka codsaday gargaar bani’aadanimo.

Imaaraadka oo ka jawaabayey dalabka Rooble ayaa Soomaaliya u soo diray diyaarad sidda gargaar, taas oo maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa keentay shixnado kala duwan oo gargaar ah, isla-markaana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa deeqdaan gargaarka ah kula wareegay garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay munaasabad kooban.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka gargaarka ay Soomaaliya soo gaarsiisay, uguna deeqday dadka tabaaleysan.

Waa gargaarkii labaad ee uu Imaaraadka soo gaarsiinayo Soomaaliya, waxaana ay aheyd todobaddii bishii la soo dhaafay ee Janaayo markii uu Rooble garoonka kula wareegay deeq gargaar ah oo ka timid magaalada Abu Dhabi, kadibna raali-gelin siiyey Imaaraadka Carabta.


Si kastaba, diyaaradda maanta ka timid dalka Isu Tagga Imaaraadka ayaa daba socota, safarkii uu dhowaan Rooble ku tegay waddankaasi, isaga oo madaxda sare iyo hay’adaha samafalka kala hadlay gurmadka baaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada