Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday

Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday

daajis.com:- Fanaanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa shaaca ka qaaday in ay isaga baxday fanka oo sanadihii ugu dambeeyay ay ku jirtay caana ka aheyd.

Qoraal ay soo dhigtay Fanaanadda Xaliimo Gobaad barteeda Facebooka ayey ku shaacisay in ay isaga hartay fanka ayna go’aansatay in gabi ahaan joojiso qaadista heesaha, waxa ayna ka codsaday taageerayaasheeda in kheyrka ku taageeraan.

”Bismilah:Aniga oo ah Xaliima Goobaad, markaan arkay adduunkan in uu yahay maalmo ,markaan xasuustay Xadiiskii NNNKH, hadii aad galabeysataan Ha sugina in uu waaga idiin baryaayo Hadii subaxeysataan ha sugina in aad galab gaareysaan waxaan go,an saday in aan iska joojiyo fanka taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo raali iga Noqda ayaa muhiim ii ah”ayey tiri Xaliimo Gobaad.


Go’aankan ay Fanaanadda Xaliimo Gobaad fanka uga baxday ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor ay guursatay, waxaana si weyn usoo dhaweeyay go’aankan ay fanka uga baxday qaar badan oo kamid ah taageerayaasheeda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada