Ilhaan oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka oo war kasoo saartay xayiraadda Mareykanka ee madaxda Soomaalida

Ilhaan oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka oo war kasoo saartay xayiraadda Mareykanka ee madaxda Soomaalida

daajis.com:- lhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka ayaa qoraal xasaasi ah u dirtay maamulka Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateynta saaran.

Ilhaan ayaa ka dalbatay Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012-kii.

“Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Soomaaliya.

Bishii April 13, 2010-kii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada