Itoobiya: Dadkii ugu badnaa oo ku barakacay dagaalka gobolka Cafarta

Itoobiya: Dadkii ugu badnaa oo ku barakacay dagaalka gobolka Cafarta

daajis.com:- Dowladda gobolka Cafarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dil iyo dhac u geysteen dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xannibay raashin la geeyn jiray gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.

"Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore sheegtay in 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto guud ahaan gobollada Tigray, Canfar iyo Axmaarada iyadoo kooxaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada go'doonsan.

Dagaalka ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii Nofambar 2020, kaas oo ay iskaga horyimaadeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidammada Canfarta, iyo ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), oo ka talisa gobolka.

Colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, iyadoo malaayiin kalena ay ku barakaceen saddex gobol oo ka tirsan Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Xukuumada Canfarta ayaa bayaan ay soo saartay isniintii ku sheegtay in kooxda TPLF ay soo gashay gobolkaas bishii December.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada