Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

daajis.com:- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhow loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Somalia oo isku deyday inay kursigan ka reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay sida aadka isugu hayaan Farmaajo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Kursi ka mid ah kuraastan waxaa sidoo kale loo xiray Cabdullahi Aadan Kulane oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NISA, kaas oo ah Hop#040 ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada