Jubbaland oo Diiday in Garbahaarrey ay ka dhacdo doorasho!

Jubbaland oo Diiday in Garbahaarrey ay ka dhacdo doorasho!

daajis.com:- Madaxwene ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta kaso jeeda Gobalka Gedo kaasoo looga hadlayay caqabadaha hortaagan in degmada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo ee Jubbaland lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Shirkaan oo socday mudoo labo maalin ayaa Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta kaso jeeda Gobalka Gedo si weyn uga gorfeeyay caqabadaha hortaagan in degmada Garbahaarrey oo ah degaan doorashii labaad ee loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka Soomaaliya islamarkaan lagu soo doorto 16 kursi oo qeyb ka ah xildhibaanada Jubbaland ku marti doona afarta sano ee soo socota.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib masuuliyiinta isugu yimid kulanka ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha hubanti la’aanta ee ka jira deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee degamada Garbahareey.


Mas’uuliyiintaan ayaa kulanka ka soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa dhowr kaasoo lagu faahfaahiyay caqabadaha hortaagan in degmada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo ee Jubbaland lagu qabto doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada