Koox fallaago ah oo 160 Ruux ku dishay Itoobiya

Koox fallaago ah oo 160 Ruux ku dishay Itoobiya

daajis.com:- Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka.

Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta badan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka ayaan ka jawaabin eedaymahan u dambeeyay.

Ururka ayaa horey u beeniyay inay weerareen dad rayid ah. Sida uu sheegay guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in meydadka laga helay degmada Gidami kadib markii ciidamada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaannadii ay maamulayeen.

OLA, oo sanadkii hore isbahaysi la samaysatay ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira maamulka Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ka hawlgala galbeedka iyo koonfurta Gooblka Oromiiya halkaas oo dhawaanahan dhacayeen isku hor imaadyo dhexmarayay ciidamada dawladda iyo fallaagada.

Weerarada ay dowladdu ku qaadday kooxdan ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Warbixinta dilka lagu eedeeyay kooxda ayaa dhalisay caro dadweyne oo dhanka baraha bulshada ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada