Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo Ruushka oo maanta kulmaya

Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo Ruushka oo maanta kulmaya

daajis.com:- Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa kulmaya Jimcaha maanta ah, ka hor furitaanka ciyaaraha Olympic-ga 2022 ee magaalada Beijing. Kulankan ayaa la filayaa in loo muujiyo in labada dhinac ay u midaysan yihiin xiriirka aan deganayn ee labada dal mid walbaa la leeyahay Maraykanka.

In kasta oo Ruushka iyo Shiinuhu aanay xulufo hore ahayn, haddana labada dal ayaa sanadihii u dambeeyey isku soo dhawaaday si ay iskaga kaashaadaan raadka Maraykanka.

Shiinaha ayaa si cad u muujiya taageeradiisa Ruushka, xitaa xilli uu Ruushku soo dhoobay tiro ka badan 100 kun oo askari xuduudda uu la wadaago Ukraine, arrintaas oo keentay cabsi dagaal. Ruushka ayaa ka dalbaday Ukraine in aanay ku biirin NATO, waxaana uu doonayaa in NATO ay ciidankeeda kala baxdo Yurubta Bari.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in is-kaashiga Ruushka iyo Shiinuhu uu Maraykanka ku adkeyn karo inuu ciqaabo Ruushka, haddii Ruushku uu ku duullo Ukraine.

Cadaawadda Maraykanka iyo Ruushka oo sii korortaa waxay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ka weecinaysaa ishii uu ku hayey Shiinaha oo uu horay u sheegay inuu yahay qoddobkiisa ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada