Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Saraakiisha Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM kala shiray Amniga

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Saraakiisha Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM kala shiray Amniga

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.


Inta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeeehay Odayaasha iyo waxgaradka Beledweyne, isaga oo kala hadli doona xal ka gaarista tabashada ay qabaan Bulshada Magaalada Beledweyne.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada