Mahad Salaad oo Diyaarad ciidan sida maanta kala degay Dhuuso mareeb

Mahad Salaad oo Diyaarad ciidan sida maanta kala degay Dhuuso mareeb

daajis.com:- Xildhibaano dhowr ah ayaa la filayaa in isbuuca soo socda lagu doorto magaalada dhuuso mareeb,kuraasta qaar ayaana aad la iskugu hayaa oo doorashadooda ay adkaan kartaa.

Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xubnaha doonaya inay difaacdaan kursiga baarlamaanka ayaa la sheegay in hub iyo ciidan diyaarad kala raaceen Maanta markii uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Si mug iyo miisaan leh ayaa loo soo dhaweeyey Mahad Salaad markii uu tegay maanta dhuuso mareeb iyadoo Dad badan ay taageerayaan soo laabashadiisa.

Mas’uuliyiin heer federal iyo qaar ka mid ah Maamulka Galmuudug ayaa soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Mahad salaad iyadoo uu sheegay in kulamo ay qaadan doonaan maalmaha uu joogo.

Qoor qoor ayaa ku qasbanaan doona inuu tartan furan ka dhigo Kursiga Hop#147 balse ergada waxaa ay la safan doonaan Mahad Salaad sida la rumeysan yahay.

Waxa ugu weyn ee Madaxweynaha Galmudug uu Mahad Salaad ugu abaal gudi karo waa sidii hagar la’aanta aheyd uu ugarab istaagay xilligii Guriceel Ahlusuna qabsatay ee dagaalka lala galay.

Kursigaasi waxaa dadka raadinaya ka mid ah Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) iyadoo doorashadaasi ay isha kuwada hayaan bulshada.

Soo dhaweyntiisa kadib ayaa Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu saxaafada usheegay inuu yahay murashax doonaya inuu kursiga uu ku fadhiyo mar kale loo doorto,tartankana uu ka qeyb geli doono.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada