Musharaxiintii u badneyd oo hal mar la shaaciyay iyo kuraasta ay u tartamayaan

Musharaxiintii u badneyd oo hal mar la shaaciyay iyo kuraasta ay u tartamayaan

daajis.com:- Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay Musharaxiinta isu-soo sharaxay 13-kii kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe.

Musharaxiinta uu guddiga shaaciyay ayaa tiradoodu tahay 26 Musharax, waxayna doorashadooda kala qabsoomi doonta maalinta berri ah ee Arbacada oo la dooranyo 7 kursi iyo Khamiista oo la dooranayo 6 kursi.

Waxaa xusid mudan in kursi walba oo kamid ah 13-ka kursi ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ay u tartamayaan labo musharax oo keli ah, oo qaarkood ay yihiin kuwii hore ugu fadhiyay kuraasta.

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday u diyaar-garowga doorashada oo maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaaban doonta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaana qorshuhu yahay in doorashadaan la soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, oo hore u go’aamiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.




Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada