Muslimiin ma ahan, balse madaxdan waxay u istaageen difaaca diinta Islaamka

Muslimiin ma ahan, balse madaxdan waxay u istaageen difaaca diinta Islaamka

daajis.com:-Ra'iisal wasaaraha dalka Pakistan ayaa sheegay inuu mudnaan siin doono la dagaalanka fikradaha ku saleysan Islaam naceybka ee sida wen u baahay. Imran Khan ayaa u isticmaala bartiisa Twitter-lka iyo khudbadaha uu jeediyo inuu ku riddiyo fikradah uu arko in lagu diidan yahay diinta Islaamka.

Muslimiin badan ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ka cabanayay sare u kac ku yimid Islaam naceybka gaar ahaan kuwa ku nool galbeedka.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha Muslimiinta lagu shabadeeyo arrimaha la xiriira argagixisada.

Hadaba iyada oo ay taasi jirto haddana waxaa jira hogaamiyayaal badan oo aan Muslimiin ahayn oo iyagu difaacay dadka Muslimiinta islamarkaana ka soo horjeedsay Islaam naceybka.

Waxaan halka idinkugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah hogaamiyayaasha aan Muslimiinta ahayn ee muddooyiinkii u dambeeyay ka difaacay Muslimiinta Islam naceybka.
Justin Trudeau
Rai'sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau waxaa uu ka mid yahay madaxda reer galbeedka ee sida cad uga soo horjeedsaday Islaam naceybka.

Mr Trudeau ayaa sanadkii 2020 sheegay in Islaam nacaybka uu yahay wax aan la aqbali karin , wuxuuna wacad ku maray inuu dalkiisa ka dhigi doono mid ay ku ammaan helaan Muslimiinta.

Trudeau waxa uu yiri "Islam nacaybka iyo nacaybka, nooc kastaba ha ahaatee, meelna kuma laha Canada".

Wuxuu intaa ku daray "Waxaan u baahanahay inaan joojino nacaybkan oo aan ka dhigno bulshooyinkeena kuwa nabad kula nool Muslimiinta Canada."

Waxa uu rai'sul wasaaraha hadalkiisaas ku soo beegmay ka dib Weerarkii Masjid ku yaalla magaalada Québec lagu qaaday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada