Natiijada Doorashada maanta Afar kursi oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

Natiijada Doorashada maanta Afar kursi oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

daajis.com:- Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu qabtay doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Natiijada Doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa noqotay sida dad badan ay hore u saadaaliyeen waxaana lagu doortay afar xildhibaan.

Mudanayaasha la doortay maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay kursiga lambarkiisu yahay HOP139 kadib markii ay u tanasushay musharaxii la tartamayay.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ku soo baxay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP49 kadib markii uu helay codad gaaraya 68 cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP51 ayaa waxaa ku guuleystay Xuseen Maxamed Nuur isaga oo helay 81 cod halka musharrixii la tartamay ee Maxamed Geedi Cawaale uu helay 14 cod, waxaana halaabay 2 cod.


Kursiga Afaraad ee HOP 61 ayaa waxaa ku guuleystey Dayax Axmed Cumar oo ay u codeeyeen dhamaan 101 Ergo kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa ee Cabduqaadir Abuukar Cabdi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada