Pakistan: Wiil PubG isku hilmaamay oo qoyskiisii oo dhan laayay

Pakistan: Wiil PubG isku hilmaamay oo qoyskiisii oo dhan laayay

daajis.com:-Booliska magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa sheegay in wiil dhallinyaro ah uu laayay qoyskiisa kaddib markii uu la qabsaday ciyaarista Game-ka ay dhallinyaradu aad u jecel yihiin ee loo yaqaanno PubG.

Bayaan ay maanta oo Jimce ah soo saareen taliska booliska ayay ku sheegeen in ay xabsiga dhigeen wiilkan oo 18 jir ah kaddib markii la ogaaday inuu dilay hooyadiis, walaalkiis iyo saddex gabdhood oo la dhashay.

Falkan naxdinta leh ayuu u adeegsaday bastoolad ay hooyadiis lahayd oo guriga u taallay.

Arrinta layaabka kasii dhigtay dhacdada argagaxa leh waxay ahayd in markii uu wiilkan qoyskiisa laayay uu seexday dhulka, isagoo u dhaqmay sida marka ciyaarta lagu jiro ee kuwa kaasoo horjeeda la laayo loo seexdo, si uu qofka u gabbado.

Waxaa la aaminsan yahay in xasuuqa uu wiilka u geystay qoyskiisa uu dhacay 19-kii bishan January.

Sabab cajiib ah
Af hayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in markii su'aalo la weydiiyay wiilka uu sheegay in falkaan uu ku kacay kaddib markii uu aad uga walwalay guul darrooyin kasoo gaaray ciyaarta PubG dhexdeeda, taasoo marar badan looga adkaaday.

Markii uu ciyaarta guul ka gaari waayay ayuu isagoo is hilmaamsan oo ordaya bastoolad kasoo baxsaday guriga wuxuuna rasaas ku furay hooyadiis iyo walaalihiis oo uu dhammaantood halkaas ku wada dilay, isagoo u maleynayay inuu weli ku dhex jiro ciyaarta.

Afhayeenka ayaa sheegay in kiiskan dartiis ay booliska gobolka Punjab dowladda gobolka talo ahaan ugu soo jeediyeen in gebi ahaanba la mamnuuco ciyaarta PunG ee telefoonka lagu soo degsado, maadaama ay dhallinyarada qabatimayaan, kuna miyir beelayaan, mararka qaarna ay qalalaase sameynayaan.

Wiilkan oo aan markii hore laga shakinin, loona maleynayay inuu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday qosykiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku noolaa guriga habaryartiis oo ku yaalla xaafad lagu magacaabo Faisalabad. Halkaas waxa uu joogay wixii ka dambeeyay aaska xubnaha qoyskiisa ee uu laayay.

Hase yeeshee waxa uu shakiga ugu weyn yimid kaddib markii uu si iskiis ah u baxsaday xilli ay booliska u ballan qaadeen inay manigiisa sugi doonaan.


Muxuu yahay wajiga cusub ee ay yeelatay xiisadda Hindiya iyo Shiinaha?
Muranka Hindiya iyo Shiinaha oo 500 oo erey lagu soo koobay

Maanta oo Jimce ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, sheekadiisana waxay si deg deg ah u qabsatay hadal heynta caalamka oo dhan.

PubG oo ah ciyaar muuqaal ah oo aad u xamaasad badan ayaa sannadihii dambe aad loo ciyaarayay, waxaana sanad walba soo baxayay qayb la sii hormariyay.

Marar hore waxaa lasoo tebiyay in ay dad isu dileen walwal kasoo wajahay ciyaartan awgeed, kuwaasoo caqabado dhanka maskaxda ah ay soo wajaheen kaddib markii ay ku guul darreysteen ciyaarta.

Bishii August ee sanadkii 2020-kii, wiil 16 jir ah ayaa isku dilay isla magaalada Lahore, kaddib markii ay qoyskiisa ka joojiyeen ciyaarista PubG.


Goor sii horreysay ayay waaxda isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee dalka Pakistan mamnuucday game-kan online-ka lagu ciyaaro, balse markii dambe dowladda ayaa dib u fasaxday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada