Prof, Dalxa oo 20 sano kadib loo diiday in Xildhibaan mar kale Noqdo & Xogo La helay

Prof, Dalxa oo 20 sano kadib loo diiday in Xildhibaan mar kale Noqdo & Xogo La helay

daajis.com:- Doorashada ka dhaceysa Magaalada Baraawe Ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa sanadkaan laga waayey liiska utartamayaasha Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo 20 sano ka badan xildhibaan soo ahaa.

Guddiga hirgelinta doorashada heer dawlad gobolleed SEIT Ee KGS ayaa maanta soo bandhigay 26 murashax oo u taagan 13 kursi oo doorashadooda ka dhaceyso Baraawe.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#080 ayaa waxa isku diin waan geliyey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil,waxaana sidaas kursiga ku waayey Prof, Dalxa.

Guddiga ma aysan sheegin in arimo jiro awgeed uga haray Dalxa tartanka sidaasna uusan isku soo diin waan gelin iyo in kale,bale beesha hintire ayaa ku kala qeybsan tahay is hortaaga Prof Dalxa lagu sameeyey.

Warar la helay ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta gareen uu ka reebay Dalxa inuu sanadkaan tartamo xilli la ogaa in dalxa Nabad iyo nolol tiirarka ugu muhiimsan ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga yaabaa in xil safiir uu ku abaal mariyo Professor Dalxa iyadoo Xildhibaanimada laga hor istaagay Sanado badan kadib.

Sidoo kale Kursiga tirsigiisu yahay Hop#161 ayaa waxa sanadkaan mar kale tartami doonin Sayid Cali Cabduqaadir Macalin oo shantii sano lasoo dhaafay Kursigaasi ku fadhiyey.

Xildhibaan Safiyo Xasan Nuur oo Baarlmaanka FS ku fadhisay Hop#044,Xildhibaan Maxamed Siciid Cabdullaahi oo isna ku fadhiyey Hop#250,Xildhibaan Nuur Siidoow Baabaa oo Hop#160 ku fadhiyey & Xildhibaano ka mid ahaa Baarlamaankii 10aad ayaa sanadkaan kasoo muuqan doonin Golaha Shacabka.

13-ka Kursi ee doorashadooda ka dhaceyso Baraawe waxaa qeyb ka ah seddex Kursi oo dumar keliya loo xiray inay ku tartamaan.

Shakhsiyaadka caanka ah ee doorashadaasi baratanka geli doono waxaa ka mid Saalim Caliyoow Ibroow oo sanado badan baarlamaanka soomaaliya ka mid ahaa.


Gudoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT Ee KGS Yuusuf Cabduqaadir Baafo ayaa sheegay in si dar dar leh kuna saleysan Cadaalad ay howshooda uqabanayaan,loona diyaar garoobay doorashada ka dhaceysa Baraawe oo ah Deegaan doorashada labaad ee KGS.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada