Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo ka digay in dalka ay ka dhici karto musiibo xooggan

Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo ka digay in dalka ay ka dhici karto musiibo xooggan

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay in dalka ay ka dhacdo musiibo weyn oo ka dhalata abaarta ka jirta gobollo ka mid ah.

Roobla ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu intaas ku daray in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.


Waxa uu ugu dambeyn tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada