daajis.com:- Sacuudi Carabiya ayaa maanta marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.
Doorashada taariikhda lagu soo beegay munaasabadda ayaa ah mid hoos u dhigeysa doorki udub-dhaxaadka ahaa ee ay wadaadadda Wahaabiyada mintidka ah ee Islaamka ku lahaayeen Sacuudiga.
Dowladda ayaa diyaarisay bandhig weyn oo lagu soo bandhigay ciyaaraha muusiga ee taariikhdan casriga ah ee Sacuudiga, bulleerro, bandhig diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo dhawaqto kala duwan, waxaana ka qeybqaatay bandhigga ilaa 3,500 oo ruux.
Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd maanta oo kale, sannadki 1727. Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.
Taariikhyahannada ayaa rumeysan in maalintaasi ay 18 sano ka horreysay, billowgii dalka Sacuudiga, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed bin Sacuud oo ahaa kaabo qabiil iyo nin wadaad ah oo sheikh ahaa oo la oran jiray Mohammed ibn Abd al-Wahhab, kaas oo loo tiriyo inuu abuuray fikirka xagjirka ah ee lagu naaneeso wahaabiyada Islaamka.
Heshiiska labadaasi aas-aase ayaa hoosta ka xarriiqayay, in boqortooyada ay lacago iyo awoodba u gacan-geliso wadaadda muxaafidka ah ee Wahaabiga, halka wadaadaddu ay dammaanad qaadeen inaysan faragelin doonin xakunka. Hase yeeshee, awooddii wadaadadda Wahaabiga ayaa meesha laga saaray kaddib marki uu talada la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada.
Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa laalay oo awooddii wadaadda isla markaana meesha ka saaray ciidanki booliska ee masuulka ka ahaa hirgelinta shareecada. Wuxuu waddanka u furay bandhigyada muusigga isla markaana daaha ka rogay shaleemooyin tiro badan.
Wuxuu xayiraadda ka qaaday dumarka oo aanan wadi jirin baabuurta sidoo kalana khafiifiyay muxramka haweenka ee safarka dibadda iyo qodobo kale.
Xuska maalinta aabaha aas-aasay Sacuudiga ayaa waxaa si rasmi ah loogu sharciyeeyay digreeto boqortooyo oo soo baxday bishii hore, taas oo amreysa in sannad walbaa 22-ka Febraayo loo dabaal-dago xuska aas-aasaha boqortooyada of Imam Muhammad bin Saud
"Mohammed ibn Abd al-Wahhab waa laga tir-tiray taariikhda Sacuudiga," sidaa waxaa tiri Kristin Diwan, oo xubin sare ka ah Machadka Arab Gulf States ee magaaladan Washington.
"Tani waa wadaniyadda cusub ee Sacuudiga. Waxaa loogu dabaaldagayaa reer Aala Sacuud. Waxana ay isku dayayaan in dadka ay si toos ah ugu xiraan boqortooyada, halka hoos loo dhigayo doorka wadaadda diinta ee wax kasoo aas-aasay nidaamka," ayay tiri Diwan.
Golaha Shuurada ee Sucuudiga, oo ah hay’ad la-taliye u ah dawladda, ayaa sidoo kale bishii hore ansixiyay soo jeedin wax-ka-beddelka sharciga lagu maamulayo calanka iyo heesta qaranka. Ma cadda in arrintan wax looga baddali doono muuqaalka calanka Sacuudiga oo ay dhaxda kaga jirto aas-aaska caqiidada Islaamka: oo ah "Ilaah kale ma jiro aan Ilaah ahayn; Muxammad (SCW) waa nebigii Ilaahay".
Sacuudiga ayaa horay ugu dabaaldagi jiray Maalinta Qaranka saddexda bisha September sannad walba. Maalintaan ayaa ku beegan marki ay Al Sacuud ka guuleysteen qabaa’ilki ay dagaalka kula jireen ee gobola Xijaaz isla markaana la wareegay gacan-ku-heynta labada magaalo ee barakeysan ee Makka iyo Madina sannadki 1925-ki. Boqortooyada iyo waddankaba ayaa marki danbe la siiyay magaca Sacuudi Carabiya, sannadki 1932.
Wakaaladda Wararka ee Reuters
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:29 and have
, Published at