Sen. John Kennedy:- Muqdisho ayaa ka wanaagsan magaalooyin badan oo Mareykan ah

Sen. John Kennedy:- Muqdisho ayaa ka wanaagsan magaalooyin badan oo Mareykan ah

daajis.com:- Sen. John Kennedy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Joe Biden, isaga oo tusaale usoo qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kennedy ayaa sheegay in Biden uusan wax xiiso ah u qabin inuu wax ka qabto dambiyada iyo rabshadaha sare uga sii kacaya magaalooyin badan oo ka mid ah Mareykanka, oo uu sheegay in hadda ay ka amni badan tahay magaalada Muqdisho.

“Inaad hadda ku socoto waddooyinka magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa ka amni badan kuwa badan oo ka mid ah magaalooyinkeena oo noqday meelo lagu barto toogashooyinka oo furan,” ayuu yiri Kennedy. 

Kennedy ayaa hadlayey kadib markii Biden uu toddobaadkii tegay booqday magaalada New York, halkaasi oo dilalka, xaditaanka baabuurta iyo rabshadaha kale ay sare uga sii kacayaan.

Sanadkii 2021, New York waxaa toogasho lagu dilay 485 qof, taasi oo 4% ka badneyd tirada dadkii la dilay 2020 iyo 52% dadkii la dilay 2019. Waxaa sidoo kale lagu xaday 10,421 oo baabuur taasi oo 15% ka badneyd tirada baabuurtii la xaday 2021.


Warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan kuwa midigta, ayaa sare u kaca dilalka ku eedeynaya dadka soo-galootiga ah ee kasoo gudbaya xudududa koonfureed ee dalkaas uu la wadaago dalka Mexico.

Kennedy ayaa sheegay in sanadkii 2021 oo kaliya xuduudda lagu xiray 1.9 milyan oo qof oo si sharci-darro ah uga soo gudbay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada