Shaki isku day afgambi oo ka dhacay JABUUTI iyo Geelle oo tallaabo qaaday

Shaki isku day afgambi oo ka dhacay JABUUTI iyo Geelle oo tallaabo qaaday

daajis.com:- Wararka aan ka helayno dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ay saacadihii la soo dhaafay xabsi guri ka dhigtay Taliyayaasha ciidamada booliska iyo Millateriga dalkaas.

Taliyayaashan ayaa waxaa looga shakiyay qorshe ka dhan ah madaxweyne Geelle, islamarkaana ay doonayaan in awood ciidan xukunka uga wareejiyaan madaxweynaha muddo dheer ee dalkaas.

Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim oo ah Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti iyo Korneyl Cabdilaahi Faarax oo ah Taliyaha Booliska dalkaas ayaa la dul dhigay ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo ka bixi karin gurigooda, sida ay sheegayaan warar madax banaan oo lahelayo

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu eedeyo in uu yahay kali-talis ayaa ka wal-walsan in awood ciidan lagu dhaafiyo xukunka Jabuuti, oo uu maamulayay in ka badan 22 sano.


Waxa uu inta badan qabtaa doorashooyin uu iskaga jeedinayo indhaha caalamka, ayada oo dalkaasna uusan ka jirin mucaarid xoogan oo ka hor imaan kara, waxaana la rumeysan yahay in afgambiga la sheegayo uu taageero badan heli lahaa, maadama uu dalkaas Nin kali ah ka talinayay sanado badan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada