WAR CUSUB: General Abuukar Xuud oo la sheegay in xabsi guri lagu geliyey Muqdisho

WAR CUSUB: General Abuukar Xuud oo la sheegay in xabsi guri lagu geliyey Muqdisho

daajis.com:- Sida ay sheegeen ilo wareed lagu kalsoon yahay dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqa ka hakisey general abuukar warsame xuud oo kusugan magaalada muqdisho.

C/raxmaan Xuubeey oo deegaanka ceel gaal duleedka beled weyne loogu doortay hogaamiyaha cusub ee golaha kacdoonka gobolka hiiraan ayaa maanta sheegay in general xuud uu ku xayiran yahay hoteel ku yaalla muqdisho.

Inta doorashada ka dhaceyso kuraasta taalla Beled weyne waxay dawlada Soomaaliya garwaaqsatay in lagu haayo Muqdisho oo meelna uga bixin.

Golaha Kacdoonka gobolka hiiraan ayaa umuuqda mid la kala fur furay,balse waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn heshiiskii 8-deedii bishaan ka dhacay B/weyne oo odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Hogaamiyaha cusub ee golaha kacdoonka hiiraan C/raxmaan Axmed Xuubeey ayaa Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ku eedeeyey inay taageereen Cali Guudlaawe iyo xulafada Villa Soomaaliya duulaan uu sheegay inay ku qaadeen B/weyne.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada