Wararkii ugu dambeeyey qarax ay SHACAB ku dhinteen oo ka dhacay JOWHAR

Wararkii ugu dambeeyey qarax ay SHACAB ku dhinteen oo ka dhacay JOWHAR

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu mareysay deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaran ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saarnaa mootada la qarxiyey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka iyo dhaawaca dadka ku waxyeeloobay miinadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka HirShabelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha deegaan doorashooduu tahay gudaha magaaladaas.


Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa halkaasi, waxaana ay ku beegsadataa ciidamada iyo mas’uuliyiin maamulka HirShabelle, inkastoo illaa iyo hadda aysan kooxdu ka hadlin weerarkan qaraxa ah ee maanta loo dhigay dadka shacabka ah.

Jowohar ayaa waxaa haatan laga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo si rasmi ah uga bilaabatay gudaha magaaladaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada