Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan gobolka Galgaduud

daajis.com:- Xiisadda dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ayaa daba socota dagaal ka dhacay  degaanka haraale ee Galbeedka fog kaga beegan degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo salka ku haayo dhul daaqsimeed kuyaalla degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ku dhintay 9 qof halka lix ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Wararka saaka naga soo gaaraya degaanka haraale ayaa sheegaya in halkaasi weli laga dareemayo xiisadda dagaal ee labada maleeshiyo, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi la xiriirta in markale dushooda lagu dagaalamo dareemayaan.

Maamulka Galmudug oo aan weli ka hadlin dagaalkaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u diro Ciidamo kala dhex-gala dhinacyada dagaalamay si xabada loo joojiyo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada