Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee Puntland

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee Puntland

daajis.com:- Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamad kooxdii weerarka ku qaadday iyo kuwa Puntland.

Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa VOA-da u sheegy in dagaalku uu wali ka socdo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.

Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntalnd iyo kooxda Shabaab.

Ma aha markii ugu horreeyay ee kooxda Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka.

Warkan oo ah. mid degdeg ah, wixii kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada