Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

daajis.com:- Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islamarkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaaladda Ukraine.

“Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda ugu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhexdhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabatayn ah oo aan ku biirno EU ama cunaqabatayn caalami ah.”


Dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansaday in ay cunaqabateyn kusoo roggaan dalka Ruushka ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada