Raisi ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sara u qaadista saliidda cayriinka ah ee uu dibadda u iib geeyo, xilli Tehran ay saaran tahay cunaqabataynta maraykanka.
Madaxweyne Raisi ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu waraysi uu siinayay talafishinka dowladda Iran, waxana madaxweynaha uu balan qaaday in dalkiisa uu ka faa’idaysan doono hoos u dhaca saliidda ee suuqyada caalamka.
Suuqyada caalamiga ah ee dunida ayaa wajahaya hoos u dhaca balaaran oo ku saabsan cadadka saliidda cayriinka ah ee caalamka kadib markii maraykanka iyo reer galbeedka ay cunaqabatenyno dusha ka sureen dalka Ruushka.
Ruushka ayaa inta badan soo saara saliidda cayriinka ee dunida iyo yurub loo iibgeeyo, waxaana dhamaan ruushka uu jaray saliidda dunida uu siiyo kadib markii reer galbeedka cunaqabatayn ku soo rogeen xukuumadda Moscow.
Cunaqabataynta ruushka lagu soo rogay ayaa timid kadib markii Moscow ay duullaan ku qaadday Kyiv bishii February dhanmaadkeedii.
Tehraan ayaa u muuqata mid dooneysa in ay ka faa’ideysato isku dhaca dalalka reer galbeedka si ay saliideeda suuq ugu hesho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:08 and have
, Published at