daajis.com:- waxaa meel wanaagsan maraya wadahadalo hoose oo u socda madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyadoo wadahadalada la doonayo in lagu dhameeyo khilaaf todobaadyadii la soo dhaafay u dhexeeyay labadan mas’uul.
Wadahadalkan waxaa garwadeen ka ahaa xubno kamid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi, iyadoo wararka sheegayaan inuu jiro xoogaa isu soo dhawaansha ah oo labada dhinac ah.
Waxaa la filayaa in labada mas’uul si fool ka fool ah ay isu soo horfariistaan marka uu maanta Puntland dib ugu soo laabto madaxweyne Deni oo ka imanaya dalka Kenya, wuxuuna safar ugu maqnaa Muqdisho oo uu doorasho uga qeybgalay kadibna magaalada Nairobi, qorshaha ayaa ah inuu Karaash garoonka Garoowe ku soo dhaweeyo madaxweyne Deni.
Deni iyo Karaash waxa uu khilaafkoda ka bilowday arrimo dastuuri ah, wuxuuna Karaash sheegay inuu maamulayo Puntland maadaama Deni deeegaanadooda ka maqan yahay oo uu doorasho madaxweyne doontay,madaxweynaha ayaa arintaasi ku gacan seyray.
Khilaafkooda ayaa cirka sii galay markii Karaash uu sheegay inuu xilalkii ka qaaday wasiirada Maaliyada,Arrimaha gudaha iyo Amniga oo ahaa xubnihii ugu dhawaa Deni, walow arintaasi aysan dhaqan gal noqon, madaxtooyada ayaa iyaduna qaaday talaabo ah iney bogageeda ka joojisay shaqooyinka Axmed Karaash.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:44 and have
, Published at