daajis.com:- Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa kulan ku saabsan gurmadka abaaraha ku yeeshay madaxda ugu sareysa Bankiga Adduunka qeybtiisa Soomaaliya iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya uu hogaaminayay Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubnihii la socday ayaa warbixin dheer ka siiyay ergeyga mashaariic farobadan oo Bangiga Aduunku ka wado Soomaaliya iyaga oo sidoo kale sheegay in mashaariicda oo ahaa kaliya horumarin qaarkood loo qaabeeyay si wax uga tari karaan arrimaha abaaraha maadaama xaaladda abaaruhu daran yihiin.
Xubnaha Bangiga adduunku waxa ay si firfircooni leh uga hadlayeen howlaha kala duwan ee ay rabaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan iyaga oo tilmaamay in ay quuddareynayaan dardargelinta fulinta mashaariicda hore loo oggolaaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:02 and have
, Published at