daajis.com:- Taliyaha qeybta Bari ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge, ayaa faah faahiyay howlgalada ka dhanka ah ciyaal Weerada ee ka socda degmooyin ay kamid tahay Kaaraan, halkaasoo dhibaato xooggan ay ka taagan tahay.
Taliyaha oo warbixin siinayay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka oo kormeer ugu tagay ayaa sheegay in arrimaha la yaabka leh ee ay arkeen ay ku jirto Wiil iyo Aabihiis oo ciyaal weero ah iney la kulmeen.
“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan howlgalada ku aragnay waxaa ka mid ah wiil iyo aabahiis oo ku wada jira Ciyaal weerada ” ayuu yiri Cali Goofjooge.
Taliyaha qeybta Bari ee booliska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaciyay in xaaladda ay meel halis u sii socoto, wuxuuna cadeeyay im ciyaal weeradu ay haatan isu bedeleyso Gaangistaro, sida uu hadalka u dhigay.
Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge, ayaa ugu danbeyn waalidiinta kula taliyay iney la socdaan xaaladda caruurtooda, si looga hortago sii socoshada falalka amni darro, wuxuuna ka digay in waalidka ubadkooda ka daba yimaadaan marka la xiro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:58 and have
, Published at