daajis.com:- Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisha ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha maxkamadda gobolka Banaadir, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo-wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni darteed.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay baabuur uu la socday Musharaf Maxamed Macallin oo ilo-wareedku sheegay inuu ku dhaawacmay weerarkaas.
Ka sokow inuu ka tirsanaa maxkamadda gobolka Banaadir, waxaa dhinaca kale la sheegay inuu qoraallo liddi ku ah Al-Shabaab uu ku baahiyey bartiisa Facebook.
Booliiska magaalada Muqdisho ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.
Waa maalinkii labaad oo xiriir ah oo qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Shalay, qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:25 and have
, Published at