daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta ayaa ka hadlay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, taas oo ay hadda isku hayaan mucaaradka & xukuumadda.
Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socdo ee dhowaan bilaabanaya 2023 uu Somaliland u noqon doono sanad doorasho, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay tartanka ururada iyo arrinta diiwaan-gelinta oo bilaabaneyso 28-ka ka bishaan, kuna eg illa 28-ka bisha January.
“Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale wuxuu farriin u diraygobollada aan horay isku diiwaan-gelin, isaga oo ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada, ayna qaataan kaarka cod-bixinta.
“Gobollada aan horay isku diiwaan-gelin, sababo jira aawgood ayagana waxaan ugu baaqayaa inay isdiiwaan-geliyaan.” ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale wuxuu baaq u diray siyaasiyiinta, isaga oo ka dalbaday inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland.
“Ururada iyo xisbiyada tartami doono ee 13-ka ah marka ay diiwaan-gelintu dhammaato waxaa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda iyo ficilkooda inay yihiin dada waayeel ahoo u bisil dalkan hoggaamintiisa,”ayuu markale yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashooyinka, waxayna xiisaddu kasii dartay markii xisbiyada mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:49 and have
, Published at