Diblomaasi Maraykan ah oo ku baaqay in xal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, iyo Kyiv oo ka hor timi

Diblomaasi Maraykan ah oo ku baaqay in xal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, iyo Kyiv oo ka hor timi

daajis.com:- Diblomaasiga Maraykanka ah ee ruug caddaaga ah ee Henry Kissinger ayaa sheegtay in ay soo dhowaatay xilligii la geli lahaa wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalka Ukraine, si hoos loogu dhigo halista inuu qarxo dagaal kale oo caalami ah.

Hase ahaatee xukuumadda Kyiv ayaa ku gacan saydhay faallada uu bixiyey diblomaasigan Maraykanka ahi, iyaga oo ku tilmaamay intay tahay mid lagu raali gelinayo cidda gardarada wadda, iyaga oo sheegay inaanu jirin heshiis lagu wareejinayo dhulkooda.

Kissinger oo haatan da’diidu ay tahay 99 sano ayaa ka mid ahaa raggii wax ka naqshadeeyey siyaasaddii Maraykanka ee xilligii dagaalka qaboobaa u uku waayahayey Midawgii Soofiyeeti, isaga oo xilligaas ahaa xoghayihii arrimaha debedda ee Madaxweynayaashii Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Kissinger ayaa dhawrjeer la kulmay Vladimir Putin, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Ruushka sannadkii 2000.

Wadamada reer galbeedka oo Maraykanku uu ku jiro ayaa ku si weyn u dhaleeceeyey weerarada gardarrada ah ee madaxweyne Putin uu ku qaaday bishii February ee sannadkan, duulaankaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka ay ku barakaceen malaayiin qof oo kale.

Ruushka ayaa haatan gacanta ku haya, ku dhowaad shan meeloodow meel, dhulka Ukraine.

“Waxaa soo dhowaanayaa xilligii lala iman lahaa qorshe iyo isbedelo istaraatejiyadeed oo hore loo gaadhay iyo in lagu daro qaab dhismeed cusub oo tilmaamaya habka lagu gaadhayo nabadda, iyada oo loo marayo gorgortan” ayuu yidhi Kissinger oo faallo ku qoray majallada The Spectator Magazine.


“Hannaanka nabadeed waa inuu Ukraine ku xidhaa Nato, si kastaba ha ahaatee. Nidaamka ku salaysnaa dhexdhexaadnimo, haatan maaha mid shaqaynaya” ayuu sii raaciyey.

Kissinger ayaa bishii May wuxuu soo jeediyey xabbad joojin, ay shuruudeheeda ka mid tahay, in Ruushku uu ka baxo jiidda hore ee dagaalka, ee ay ku sugnaayeen, ka hor duulaankii February, laakiin Crimea ay noqoto mawduuca laga wada hadlayo.

Xiisada bariga Ukraine ayaa bilaabatay sannadkii 2014-kii kadib markii madaxweyne taageersan Ruushka lagu tuuray xilka dalka Ukraine, halka uu xilligaas Ruushku qabsaday gobolka Crimea, iyadoo gooni u goosadka uu Ruushka taageerona ay dagaalo ka bilaabeen bariga dalka Ukraine.

"Mudane Kissinger weli waxba ma fahmin ... sidoo kale [ma fahamsana] dabeecadda dagaalkan, iyo saameynta uu ku leeyahay nidaamka adduunka," sidaas waxaa sheegay Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak oo qoraal soo dhigay barta Telegram

Dawladda Ruushka ayaan wax faallo ah arrintan ka bixinin.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in inkasta oo xiisada ka jira dunidu ay ku soo dhamaadaan wadahadal, haddana qiimaynta ay samaysay hay’adda CIA inay muujinayso, in Ruushku aanay si weyn uga go’nayn inuu galo wadahadalo dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Reuters






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada