Dowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

Dowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

daajis.com:- Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay mar kale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.

Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka.

“Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay.


Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada