daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminay ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab.
Wefdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan Gobolka Shabeellaha dhexe looga saaro meelaha ay ka joogaan Al-Shabaab.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warixino ka dhageysanaya Odayaasha iyo waxgaardka degmada Aadan-yabaal, taas oo la xiriirta baahiyaha kajirta degmada si dowladda Soomaaliya wax ga qabato.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:14 and have
, Published at