daajis.com:- Puntland ayaa maanta dib u furtay maxkamadeynta xubna loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka alshabaab, waxaana maxkamadda ka soo hor muuqday 15 xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Ajaanibta maxkamadda ka soo hormuuqatay ayaa waxaa horay ay ciidamada Puntland uga soo qabteen xilli ay saarnaayeen doon hub u sidday ururka alshabaab oo mareysay degmada bandar bayla .
Xubnahaan ayaa xeer ilaalintu ku eedeysay in qaybtood kamid noqdeen kuwa weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaannada Af-urur iyo Bali khadar, halka kuwa kale loo haysto in ay shabaab u qaabilsanaayeen arrimo ay kamid yihiin tashkiilinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at