daajis.com:- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku socdeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan yahay halkaas.
Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa lala eegtay guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa xildhibaanada Golha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Muumin Maxamed Xalane ayaa VOA u sheegay weeraradan ay ahaayeen kuwa 'aragagixiso', isaga oo intaas ku daray in hay'adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.
Ilaa hadda cidi ma sheegan mas'uuliyadda weerarka, hase yeeshee inta badan weearrada noocan ah ee ka dhacay Soomaaliya waxaa sheegta ururka Al-Shabaab.
Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saaren maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo 19-kii Novermber uu sidoo kale booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo.
Wixii kusoo kordha xaaladan halkan kala soco.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:29 and have
, Published at