daajis.com:- Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Raqayle oo dhinaca Koofur Bari ka xiga magaalada Jowhar illaa 7km, iyadoo uu ku dhintey wiil 9 jir ah.
Guddoomiyaha tuulada Raqayle Ibraahin Xaaji Mustaf ayaa sheegay fatahaada wabiga ay hore u qaadeen wiil yar oo 9 jir ah oo illaa hadda la la’ yahay. Fatahaada wabiga ayaa waxaa ay baabi’iyeen beero boqolaal hekter ah oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan.
Shacabka ku nool tuulada Raqayle iyo deegaanada ku dhowdhow ayaa bilaabay inay la tacaalaan fatahaada wabiga Shabelle.
Guddoomiyaha tuulada Raqayle ayaa ugu baaqay maamulka degmada Jowhar kan gobolka Sh/dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle inay gacan ka geystaan sidii loo xiri lahaa fatahaada wabiga uu ka sameeyey deegaanka Raqayle.
Wabiga Shabelle oo biyo badan wada ayaa bilihii la soo dhaafay qalalnaa waxaana haatan laga cabsi qabaa in wabiga uu ku fataho deegaano horleh.Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan uga digey dadka ku nool hareeraha wabiga Shabelle halista ka dhalan karta fatahaada wabiga Shabelle.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:11 and have
, Published at