daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Awdal ee Somaliland ayaa sheegaya in Banaan baxyo culus ay gilgileen magaalada Boorama, iyada oo ay dadwayne ka caraysan dilka Sarkaal ay taayiro ku gubayaan wadooyinka.
Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa ku doodaya ineysan isu soo boxooda joojin doonin ilaa xukunka dilka ah lagu fuliyo askari ka tirsan ciidanka Badda Somaliland oo shalay maxkamada Hargeysa ay ku riday xukun dil ah.
Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe, iyadoo dadweynaha ay ka gadoodeen kiiskan, ciidanka magaalada ayaa rasaas nool nool u adeegsanaya shacabka.
Si kastaba, Saluuga ay qabaan bulshada gobalka Awdal ayaa sii xoogeysanaya xilli Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay Colaad ka dhex Aloosan tahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:45 and have
, Published at