daajis.com:-Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay in lasoo gaba-gabeeyay shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay.
Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.
Sawirro ay kooxda baahisay ayaa muujinaya Abu Cubeyda oo dhex fadhiya shirka balse kooxda ayaa qarisay wejigiisa oo sawiradiisa ku furtay humaag.
Kooxda ayaa sheegtay in shirkan uu socday muddo siddeed maalmood ah, ayada oo warbaahinta Al-Shabaab ay baahisay war-murtiyeed iyo fatwo kasoo baxay shirkan, oo ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada kasoo qeyb-galay.
Kulankan ayaa waxaa lagu gorfeeyay marxaladda uu marayo wax ay kooxdu ugu yeerto “Jihaadka Bariga Afrika iyo shirqoolada kala duwan ee uu cadowgu usoo maleegayo si loo xagal daaciyo halganka Jihaadka,” sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay shirkaan.
Shirweynahan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.
Waxaa xusid mudan in qofka kaliya ee wejigiisa la qariyay uu ahaa Amiirka kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe warar la faafiyay ay sheegayeen inuu xanuunsanayo.
Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo lagu aqoonsan karo.
Si kastaba, Arrintaan ayaa waxaa durba ka dhashay hadal hayn xooggan, ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen inay tahay dib u dhac sirdoon, maadaama ay hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay ogaan weyday dhicitaanka shirka intaas la’eg ee kooxda Al-Shabaab ay ku qabsatay gudaha Soomaaliya, xilli ay muddooyinkii dambe soo warineysay waxa ka socda gudaha kooxda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:43 and have
, Published at