daajis.com:- Wadanka Dimuquraadiga ah ee Gongo ayaa waxaa ka dhacday arrin dhif iyo naadir ah, taas oo baraha bulshada hadal heyn badan ka abuurtay, kadib markii saxaafadda dalkaas ay baahisay in wasiir ka tirsan dowladda uu Uur u yeelay ku-xigeenkiisa, taas oo noqotay mid siweyn hadal heyn u abuurtay.
Tony Nwaba oo ah wasiirka waxbarashada dalkaas ayaa falkaan galmada ah kula kacay Aminata Namasia oo ah wasiir ku -xigeenka waxbarashada dalkaas, sida uu bartiisa Twiter-ka uu ku qoray saxafi u dhashay dalka Gongo, isaga oo sheegay inaan madaxda lagu aamini karin la shaqeynta Dumarka.
Labadan nin ayaa dhaleecayn culus kala kulmay muwaadiniinta DRC, iyadoo lagu eedeeyay inay muujinayaan dhaqan xumo iyo inay muujinayaan akhlaaq xumo dalka ka jirta. Arrintaan ayaa noqotay mid aad bulshada u dhexe qaadaya falka uu ku kacay wasiirka waxbarashada Tony Nwab.
Archy Lema, oo ah muwaadin u dhashay DRC, isla markaana isticmaala Twitter-ka ayaa yiri, “DRC waa waddan ceeb ah, dhaqankoodu waa inuu ahaado mid aad u wanaagsan oo sharaf leh, gaar ahaan maadaama ay aad caan u yihiin oo ay hodan yihiin” ayuu yiri suxufiga baahiyay sheekada Uurka.
Aminata Namasia, waxa ay ahayd Abriil 12, 2021, waxa loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Qaranka Gongo ee Waxbarashada Hoose, Sare iyo Farsamada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah oo hoos imanaysa golaha wasiirada Jean-michel Sama Lukonde, Ra’iisulwasaaraha dalka Gongo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:15 and have
, Published at